Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Turkey Iyo Israel oo soo Celinaya Xiriirkooda


Xiriirka labada dal ayaa burburay sanaddii 2010 kadib markii Israel ay faro-gelisay markab Turkish ah oo gargaar u waday magaalada Gaza.

Turkey ayaa sheegtay in diblomaasiyiinteeda ay horumar wanaagsan ka sameeyeen heshiis ay la galayaan diblomaasiyiinta Israel, kaasi oo lagu soo celinayo xiriirka labada dhinac.

Wasaaradda arrimaha dibedda Ankara ayaa maanta sheegtay in saraakiisheeda ay maanta ku ogolaadeen magaalada London in heshiis lagu kala saxiixdo kulanka kan xiga.

Weli waqti looma qaban saxiixa heshiiska, hase yeeshee wasaaradda arrimaha dibedda Turkiga waxa ay sheegtay in waqti dhow loo saxiixi doono.

Xiriirka labada dal ayaa burburay sanaddii 2010 kadib markii Israel ay faro-gelisay markab Turkish ah oo gargaar u waday magaalada Gaza, oo Israel ay xanibaad saartay sababo la xiriira kooxda Xamas oo maamuleysay magaalada.

Toban qof oo Turkish ah ayaa lagu dilay dhacdadaas, waxaana Turkiga ay dalbadeen magdhow iyo in lasoo geba gebeeyo xanibaadda Israel ay ku hayso dhulalka Falastiin.

XS
SM
MD
LG