Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ban: Nkurunziza wuu Ogolaaday Wada-hadalka


Madaxweyne Pierre Nkurunziza iyo Ban Ki-Moon
Madaxweyne Pierre Nkurunziza iyo Ban Ki-Moon

Xoghayaha guud ee QM Ban Ki-moon ayaa sheegay in madaxweynaha Burundi uu oggolaaday inu wadahadal la galo mucaaradka.

Xoghayaha guud ee QM Ban Ki-moon ayaa sheegay in madaxweynaha Burundi Pierre Nkurunziza uu oggolaaday inu wadahadal la galo hoggaamiyayaasha mucaaradka si loo dhameeyo mushkiladda siyaasadeed ee dalkaasi ka taagan muddada sannadka ah.

Ban ayaa hadalkan uga dhawaaqay maanta oo Talaado ah magaalada Bujumbura, halkaasi uu gaaray shalay si uu wadahallo u la yeesho siyaasiyiinta iyo kooxaha bulshada rayidka ah.

Xoghayaha guud ee QM ayaa sheegay in dhammaan dhinacyadu ay balqanqaadeen inay galaan “wadahallo loo dhan yahay”.

Booqashada Ban Ki-mon ayaa timid bil kadib markii wafuud ka socota Golaha amniga ee QM ay Burundi booqdeen si ay madaxweyne Nkurunziza cadaadis ugu saaraan inuu wadahadal la furo mucaaradkiisa.

Buruncid waxaa tan iyo bishii April ee sanadkii hore ka jiray rabshado siyaasadeed oo ka dhashay marki Nkuzunziza uu raadiyay kuna guuleystay in markii saddexaad xilka loo doorto, taasoo loo arkayay inay ahayd mid aan dastuuri ahayn.

Dadka kor kala socda arrimaha Burundi ayaa waxay ka cabsanayaan in rabshadaha oo ay ku dhinteen in ka badan 400 qof, sidoo kalena 230 kun oo qof ay dalka ka qaxeen ay dhalin karaan in dalka uu mar kale dagaal sokeeye galo ama wax ka daran ay ka dhacaan oo u dhaxeeya labada qowmiyadood ee Hutu iyo Tutsi.

Safarka Ban Ki-moon ka hor waxaa afar qof lagu dilay laba weerar oo banbaano oo ka dhacay dalkaasi muddo 24 saacadood gudahooda.

XS
SM
MD
LG