Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Russia Oo Iska Fogeysay Weerarkii Isbitaalka


Qof ku dhaawacmay isbitaalka oo la sido
Qof ku dhaawacmay isbitaalka oo la sido

QM ayaa sheegtay in weerarkii Isniinta lagu qaaday xarun caafimaad iyo iskuul ay ku naf waayeen 50 qof oo rayid ah, oo ay ku jiraan carruur badan.

Russia ayaa talaada maanta ah diiday eedeymo loo jeediyey oo ahaa in ciidamadeeda ay ka dambeeyeen duqeyn dhimasho badan dhalisay oo lagu qaaday isbitaal ku yaalla woqooyiga dalka Suuriya.

QM ayaa sheegtay in weerarkii Isniinta lagu qaaday xarun caafimaad iyo iskuul ay ku naf waayeen 50 qof oo rayid ah, oo ay ku jiraan carruur badan.

Koox la socota arrimaha xuquuqda aadanaha Suuriya oo fadhigeedu yahay London, ayaa sheegtay inay rumeysan tahay in duqeynta ay fuliyeen diyaaradaha dagaalka Ruushka.

Hase yeeshee afhayeen u hadlay madaxweyne Vladimir Putin oo lagu magacaabo Dmitry Peskov ayaa sheegay in dowladda Suuiriya ay tahay isha ay tahay in laga xigto cidda ka dambeysay weerarka.

Xoghayaha guud ee Jamciyadda Qurumaha ka dhaxeysa Ban Ki-Moon ayaa sheegay in weerarka noocan oo kale ah uu yahay xadgudub cad oo ka dhan ah xeerarka caalamiga ah.

Isbitaalka weerarka lagu qaaday ayaa waxaa maamulayey hay’adda dhaqaatiirta aan xuduud lahayn ee MSF.

XS
SM
MD
LG