Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Sacuudiga oo Diyaarado u Diraya Turkey


Dowladda Sacuudiga ayaa diyaarado u diraysa saldhig ciidamada cirka ah oo ku yaalla dalka Turkey. Wasiirka arrimaha dibedda Turkey Mevlut Cavusoglu ayaa hadalkan ka sheegay Jarmalka.

Ma cadda tirada diyaaradaha Sacuudigu uu u dirayo Turkey. Wasiirku wuxuu kaloo sheegay inay dhici karto in Sacuudigu uu sidoo kale ciidamo u diro Turkiga..

Saraakisha Sacuudiga ayaan markiiba ka hadlin hadalka wasiirka arrimaha dibedda Turkey.

Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa hore u sheegay in ciidamo Maraykankan ah aan loo diri doonin Syria, laakiin Sacuudiga ayaa bishan sheegay in ciidamo la dagaallamo Daacish ay diri donaan, waxaana wasiirka arrimaha dibedda Turkey u sheegay in dalkiisa iyo Sacuudigu ay taageeri doonaan ciidamo wadajir ah oo fuliyo howlgal militari.

Wasiirka ayaa u sheegay wargeys lagu magacaabo Yeni Safar in haddii ay jirto istaraatiijad arrintaasi ku aadan ay Turkey iyo Sacuudiguba ku biiri doonaan howlgal military oo dhinaca dhulka ah oo lagu galo Syria.

Waddamada quwadda leh ayaa Jimcihii shalay isku raacay in la joojiyo colaadda Syria, laakiin Ruushka ayaa sii waday duqeynta uu ka wado Syria ee uu ku taageerayo madaxweynaha Syria Bashar alAsad, oo isagu wacad ku maray inuu dagaalka sii wadi doono ilaa uu dib u hanto maamulka buuxa ee dalka Syria.

Wasiirka arrimaha diebdaa Turkey ayaa mar la weydiiyay in ciidamada Sacuudigu ay Syria ka soo gali karaan dhinaca Turkey, wuxuu sheegay intaasi tahay “rabitaan” balse aan wali la qorsheyn.

XS
SM
MD
LG