Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Jamhuurriga oo Dood Yeelanaya Caawa


Tartamayaasha xisbiga Jamhuuriga ee rajada ka leh madaxtinimada Maraykanka ayaa caawa dood ku yeelanaya magaalada Greensville ee gobolka South Carolina, halkaas oo toddobaad ka dib ay ka dhici doonto doorashadii isreebreebka ee Maraykanka.

Dhowr ka mid ah tartamayaasha ayaa Jimcihii shalay ka qeyb galay kulan la siiyey magaca “Caqiiqada iyo Qoyska”, kaas oo ka dhacay jaamacadda xagjirka ah ee Bob Jones ee magaalada Greensville.

Dadka aaminsan mad-habta Evangelican-ka ayaa ah qeyb weyn marka la eego doorashada South Carolina.

Ganacsade Doland Trump oo saadaasha dadka la qaaday hogaanka u haya ayaanan isagu ka qeyb galinkii kulankii shalay ee Jaamacadda, isaga oo ka qeyb galay mid kale oo ka dhacay gobolka Florida ee koonfur-bari Maraykanka.

XS
SM
MD
LG