Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Suuqyada Asia Oo Weli Hoos Usii Dhacaya


Nin madaxa xoqanaya kadib markii uu shaashadda ka arkay hoos u dhaca suuqa Nikkei ee Tokyo, Arbaco, Feb. 10, 2016.
Nin madaxa xoqanaya kadib markii uu shaashadda ka arkay hoos u dhaca suuqa Nikkei ee Tokyo, Arbaco, Feb. 10, 2016.

Suuqa saamiyada Japan ee Nikkei ayaa waxaa maanta asiibay hoos u dhacii ugu xumaa ee tan iyo bishii October ee 2014.

Suuqa saamiyada Japan ayaa sii waday maalin kale oo khasaarooyin xooggan ah arbacadii, sababo la xiriira walaac ay maal-gashtayaasha ka qabaan fayo qabka dhaqaale ee bankiyada Yurub iyo kulanka madax bankiga dhexe ee Mareykanka ay xubnaha congress-ka uga dhageysanayaan warbixinta.

Maalin kadib markii uu lumiyey 918 dhibcood ama 5.40 boqolkiiba qiimahiisa, ayaa suuqa Nikkei waxa uu maanta lumiyey 372 dhibcood, ama 2.3 boqlkiiba, isaga oo kusoo xirmay dhibco ah 15,713.39, taasi ah tii ugu xumeyd tan iyo bishii October ee 2014.

Suuqa Australia ee S&P/ASX 200 ayaa waxa uu hoos u dhacay boqolkiiba hal, wuxuuna kusoo xirmay maanta 4,775.70 dhibic.

Suuqyada Saamiyada ee Shanghai, Hong Kong, Taipei iyo Seoul ayaa manata xirnaa, sababo la xiriira sanadka cusub ee loo yaqaan Lunar New Year.

Maalgashtayaasha ayaa waxa ay is-weydiinayaan haddii bankiyada ugu weyn ee Yurub ay haystaan dhaqaale ku filan oo keyd ah, oo ay sare ugu qaadaan qiimaha saamiyada ee hoos usii dhacaya.

XS
SM
MD
LG