Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Iran oo Laga Qaaday Cunaqabateyntii Saarnayd


Iran ayaa laga qaaday cunaqabateyntii caalamiga ahayd ee saarnayd, kadib markii Iran ay fulisay qodobadii laga doonayay ee ku jiray heshiiska ay la gashay waddamada awoodda leh, kaasoo dhigaya in Iran joojiso horumarinta hubkeeda Nuclear-ka.

Labada dhinac ayaa heshiiska taariikhiga ah gaaray bishii July ee sannadkii hore.

Cunaqabteynta laga qaaday Iran ayaa siinaysaa fursad ay ku hesho hanti laga xayiray oo gaaraysa balaayiin dollar oo dibedda ka taalla, waxayna sidoo kale Iran u oggolaanaysaa inay saliid ay dibedda u iibgeyso.

IAEA, Hay'adda caalamiga ah ee atoomikada iyo tamarta ayaa sheegtay inay xaqiijisay in Iran fulisay dhammaan talaabooyinkii laga doonayay ee uu dhigayay heshiiskii ay la gashay waddamada awoodda leh bishii July ee sannadkii hore.

Shir jaraaid oo si wadajir ah ay Vienna ugu qabteen madaxa siyaasadda arrimaha dibedda ee Midowga Yurub Federica Mogherini iyo wasiirka arr. dibedda Iran Mohammad Javad Zarif ayaa waxay ku dhawaaqeen in la qaaday cunaqateyntii dhaqaale iyo lacageed ee hoos u dhigtay dhaqaalahada dowladda Tehran.

Mogherini, waxay sheegtay in "heshiiska taariikhiga" uu ahaa mid "xaq ah oo xoog badan" in si wanaagsan "loo hirgalinaya ay gacan ka geysan doonto amniga caalamka iyo gobolkaba."

Wareysi ay Mogherini siiyay goor deynta VOA Persia ayay ku sheegtay in wadaxaajoodyadii sababay hirgalinta heshiiska " aysan kaliya muujin in diplomaasiyadu shaqeyn karto, laakiin ay sidoo kale diplomaasiyaddu wax soo gudbin karto."

Mogherini waxay intaas ku dartay inay rajaynayso in tani ay "wado u furi doonto kala duwanaanshaha ka dhex jira dhinacyada gobolka Bariga Dhexe."

XAD Maraykanka John Kerry ayaa isaguna Vienna ka sheegay in arrintani ay muujinayso "Maalintii ugu horreysay ee adduun ammaan ah"

Kerry wuxuu sheegay in sii waditaanka xaqiijinta in Iran fulinayso wixii lagu heshiiyay ay sii ahaan doonto "laf dhabarka heshiiska"

XS
SM
MD
LG