Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Taiwan: Doorashadii Madaxtinnimo oo la soo Afjaray


Waxa maanta la soo gababeeyey doorasho ka dhacaysay Taiwan, taas oo dalkaas qaaradda Asia ku yaalla u keeni karta isbeddel weyn.

Waxa aad loo filayaa in Tsai Ing-wen oo ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee Democratic Progressive Party ay noqoto madaxweynihii dumar ah ee qabata xukunka jasiiraddan.

Qaar ka mid ah caqabadaha horyaalla Tsai Ing-wen ayaa ah sidii ay u maareyn lahayd xiriirka ganacsi ee lala leeyahay dalka Shiinaha iyo sidii ay xoojin lahayd dhaqaalaha tukubaya iyo mushaharka hooseeya ee shaqaalaha.

Miss Tsai ayaa saaka codkeeda ka dhiibatay dugsi hoose oo ku yaalla meel ka baxsan magaalada caasimadda ah ee Taipei.

Markii ay iskuulka ka sii baxaysay ayaa taageerayasheeda qaarkood ay u sacbiyeen, kuna qeyliyeen, “Iska waran Madaxweyne.”

Marka la eego ra’yi uruurintii u dambeysay, Miss Tsai waxay dhibco badan ku hogaaminaysay Eric Chu oo hogaamiyaha xisbiga National Party oo magaciisa loo soo gaabiyo KMT.

XS
SM
MD
LG