Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Turkiga oo Laga Heley Meydadka 36 Ruux


Saraakiil ayaa Talaadadii soo saaray meydadka 36 ruux oo muhaajiriin ah, kuwaas oo ay ku jiraan caruur ku qaraqmay xeebaha dalka Turkiga kadib markii doonidii ay ku safrayeen kula qallibantay badda u dhaxeysa Giriigga iyo Turkiga.

Sidoo kale 12 ruux oo muhaajiriin ah ayaa la soo bad baadiyay.

Weli si rasmi ah uma cadda inta doonyood ee badda ku degtay xilligan ah oo xilli dabeyluhu ay aad u badan yihiin, hasa yeeshee wakaaladda wararka ee Dogan, ayaa ku warantay inay dhibaatadu ka kala dhacdey laba meel.

Meydadka laba ruux ayay ciidamada ka soo saareen xeebta degmada Ayvalik, halka inta harteyna laga heley oo ay ku soo caariyeen Dikili, oo 50 KM dhinaca koonfureed ka xigta degmada Ayvalik.

Waxa la rumeysan yahay badanaa dadkan inay yihiin kuwa u dhashay waddanka Siiriya, kuwaas oo ka soo baxsanaya colaadaha waddankooda ka jira.

XS
SM
MD
LG