Isku xirrada

War Deg-Deg ah

EU oo Adkaynaysa Xadka Laga Soo Galo


Hoggaamiyayaasha Midawga Yurub ayaa ku kulmay caasimadda dalka Belgium ee Brussels iyaga oo ka baaraandegaya inay ciidamo gaadhaya illaa 400 oo askari u diraan si ay u ilaaliyaan xuduudaha ay ka soo gelayaan dadka socotada ahi.

Sidoo kale waxaa Midawga Yurub ay ka fekerayaan inay abuuraan goobo dadka lagu baadho oo laga hirgeliyo wadamada laga soo galo ururka Midawga Yurub.

Qorshahan Qabyada ah ayaa lagu sheegay in Midawga Yurub ay qaadayaan dedaallo degdeg ah oo lagu adkaynayo ammaanka xuduuddaha Midawga Yurub.

Sida ay tebinayso wakaaladda Wararka ee Reuters, qorshahan weli laguma heshiinin.

Arrimaha kale ee Midawga Yurub ay isla jeexjeexayaan waxaa ka mida sidii ay maraakiib dagaal ugu diri lahaayeen xeebaha dalka Giriiga.

XS
SM
MD
LG