Isku xirrada

War Deg-Deg ah

John Kerry Iyo Abbas Oo Jordan Ku Kulmay


Labada mas’uul ayaa ka wadahadlay sidii loo soo afjari lahaa rabashadaha ka soo cusboonaaday deegaannada ay wada dagaan Falastiiniyiinta Iyo Israa’iiliyiintu.

John Kerry ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey wadahadalladan, wuxuu sidoo kale kulan arrintan ku saabsan la yeelashay boqorka dalka Jordan boqor Abdullahi.

Wadahadallada dhexmaray Maxamuud Cabbaas iyo John Kerry ayaa imaanaya labo maalin kaddib markii uu John Kerry uu ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu kula kulmay magaalada Berlin ee dalka Jarmalka isagoo kala hadlay rabashadaha bariga dhexe ka soo cusboonaaday.

Rabashadaha dhexmaray labada dhinac ayaa waxaa ku dhintay 50 Falastiiniyiin ah iyo 10 Israa’iiliyiin ah.

XS
SM
MD
LG