Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Guddi Tunisian ah oo Hantay Biladda Nobel


Abaalmarinta Nabadda ee Nobel-ka sanadka 2015, ayaa la siiyay kooxda wada hadalka Tunisia, oo lagu ammaanay doorkii ay ku lahaayeen sameynta nidaamka dumuqraaddiyadda dalka Tunisia.

Guddiga abaalmarinta Nabadda ee Nobel-ka oo ku sugan Oslo, ayaa sheegay in ay abaalmarintu si guud ahan u leeyihiin kooxda oo idil, islamarkaasina aysan jirin shaqsi gaar si gaar loo siiyay abaalmarinta.

Waxa kooxda lagu abaal mariyay dadaalkoodi ku aaddanaa hannaanka siyaasadeed ee nabadda ku saleysan ee dalkaasi iyo sidoo kale dimuqraaddiyeenta waddankaasi, kadib kacdoonnadii ka dhacay dalalka Carabta oo Tunisaiana ay qeyb ka ahayd.

Waxa lagu ammaanay kooxda inay wada xaajoodyo lagu guuleystay ay sameeyeen xilli uu dalku qarka u fuulay dagaal sokeeye.

XS
SM
MD
LG