Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxda Yurub oo Ka Arrinsanaya Qaxootiga


Qaxooti
Qaxooti

Hogaamiyeyaasha Dalalka ku bahoobay Midowga Yurub ayaa maanta oo Arbaca ah kulan deg deg ah isugu yimid magaalada Brussels si ey uga wada xaajoodaan talaabada xigta ee ay qaadanayaan ka dib markii wasiiradooda arrimaha gudaha ay shalay isku raaceen qorshe ay 28ka dal ee Midowga Yurub ku wadaagayaan muhaajiriin gaaraya 120 kun.

Qorshahan ayaa loogu talagalay in culeyska looga qaado wadamada Yurub-ta Bari ee jiidda hore, oo bilihii u dambeeyay ay mushkilad ka heysatay qulqulka muhaajiriinta u badan Syian iyo Afghanistan oo doonaya inay Yurub-ta galbeed dalalkaasi u sii maraan.

Qorshahan ay wasiirada arrimaha gudaha ee Yurub ku heshiiyeen, ayaa lagu ansixiyay aqlabiyad inkastoo ay diideen wadamada Hungary, Slovakia, Czech Republic, iyo Romania.

Shirka maanta ka dhacaya Brussels, ayaa la filayaa inay diiradda ku saaraan madaxda, sidii loo xoojin lahaa adkeynta xuduudaha Yurub iyo sidii loo kaalmeyn lahaa dalalka aan Midowga Yurub ku jirin ee culeyska qaxooiggan uu heysto sida Turkiga.

Ku dhawaad nus malyuun muhaajiriin ah, oo 40 % ka soo cararay colaadda Syria ayaa ka gudbay badda Mediterranean sanadkan oo kaliya, iyagoo nolol wanaagsan ka raadinaya Yurub.

Qaramada Midoobayna waxey sheegtay in qulqulka muhaajiriinta uu aad u balaaranyahay oo maalin walba ay xeebaha Yurub gaaraan dad ka badan 6,000 oo qof, sidaa daraadeedna qorshaha dib u dejinta Yurub ee 120,000 uusan aheyn mid ku filan.

XS
SM
MD
LG