Isku xirrada

War Deg-Deg ah

QM: Sri Lanka ha Sameyso Maxkamad Gaar ah


Qaramada Midoobay ayaa warbixin ay maanta soo saartay ku sheegtay in dowladda Sri Lanka aysan ku tiirsanaan karin oo kaliye hannaankeeda caddaalada balse ay waajib tahay in ay isticmaasho maxkamad khaas ah si loogu guuleysto in lala xisaabtamo dadkii ka qeyb qaatay dagaalkii sokeeye ee dalkaasi ka dhacay oo socday muddo 26 sano ah.

Soo jeedintan QM ayaa qeyb ka ah warbixin uu soo saaray xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan xuquuqul isnaanka oo sheegay in falal ka dhan ah xuquuqul isnaanku ah dhaceen in uu socday dagaalkii sokeeye ee dalka Sri Lanka

Dagaalkaasi ayaa ahaa mid u dhaxeeyey ciidamada dowladda iyo jabhadda Tamil Tigers kuwaasoo dooneyey in ay helaan madax-bannaani, waxaana dagaalkaasi la sheegay in ay ku dhinteen 100,000 kun oo qof.

XS
SM
MD
LG