Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dad ku Dhintay Masaajidka Xaramka


Ugu yaraan 107 qof ayaa ku dhintay masaajidka Xaramka ee magaalada Makka kadib markii uu soo dumay wiish lagu dhisayay dhismaha masaajidka.

Saraakiisha Sacuudiga ayaa sheegay in 238 qof oo kale ay shilkan ku dhaawacmeen. Masaajidka waxaa ku socday dhisme lagu balaarinayo.

Maxamed Taahir oo ah farsamayaan dhanka codka ah oo ka shaqeeya masaajidka ayaa VOA u sheegay in shilkan uu yimid kaddib markii ay dabeylo xooggan ku dhufteen wiishka, kuwaasoo hor-seeday in wiishku uu dhinac u dheelliyo, ugu dambayna uu ku soo dhaco gudaha masaajidka kaasoo geysay khaasaare badan.

Shilkan ayaa dhacay iyadoo boqollaal kun oo Muslimiin ah oo daafaha dunida ka kala yimid ay ku sugan yihiin magaalada barakaysan ee Maka si ay u gutaan waajibaadka Xajka.

​Masaajidka kacbada ayaa ah kan ugu weyn caalamka, waxaana ku yaalla goobaha barakaysan ee diinta Islaamka, waxaana booqda sannad walba malaayiin qof oo Muslimiin ah.

XS
SM
MD
LG