Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Martida: Barbar Bloch


Billihii u dambeeyay waxaa dalalka Yurub dhibaato culeys ba’an ku hayay sidii ay xal ugu heli lahaayeen kumanaan kun oo muhaajiriin ah oo u badan dad ka soo cararay dagaallada Syria, Ciraaq, iyo Afghanistan, tiro aan badneyn oo ka soo tahriibay dalalka saxaraha ka hooseeya ee Africa.

Dhowr dhacdo oo isugu jiray, doomo qalibmay, iyo dad la tahriibinayay oo garaawi ku neef qabatoobay ayaa qeylo dhaan ka dhaliyay dunnida, waxaana dalalka Midowga Yurub loogu baaqay inay xal deg deg ah la yimaadaan.

Haddaba, barnaamijkeenna waxaan arrimahaa wax uga weydiin doonaa wakiilka hay’adda Qaxootiga Aduunka ee UNHCR Barbar Bloch oo ku sugan magaalada Budapest dalka Hungary.

Mr. Bloch ayaan ugu horeyn weydiiyay waxa uu nooga sheegi karo tirada muhaajiriinta Yurub soo gaaray sanadkan iyo meelaha ay ka kala yimaadeen ?

XS
SM
MD
LG