Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ferguson oo qarka u istaagtay qalalaase cusub


Police make an arrest in Ferguson, Missouri, Aug. 10, 2015. (Photo: Kane Farabaugh / VOA)
Police make an arrest in Ferguson, Missouri, Aug. 10, 2015. (Photo: Kane Farabaugh / VOA)

Magaalada Ferguson ee gobolka Missouri ee dalkan Mareykanka, ayaa mar kale qarka u saraneyd qalalaase, habeenimadii Isniinta, maalin kadib markii dibad bax lagu xusayey sanad guuradii koowaad ee kasoo wareegtay toogashadii lagu dilay Michael Brown ay isu beddeshay toogashoo wiil kale oo madow ah si xun loogu dhaawacay.

Weriyaha VOA-da Kane Farabaugh oo ku sugan Ferguson, ayaa sheegay in booliiska ay xireen ugu yaraan lab qof kadib markii iska hor-imaad uu dhacay markii dibad baxayaasha ay isku dayeen inay xoog ku maraan isgoys aad u mashquul badan, booliskuna ay u dhaqaaqeen sidii ay u kala ceyrin lahaayeen.

Intii lagu guda jiray saacadahii ugu dambeeyey ee isniintii, dibad-baxayaal kusoo beegmay xilliga dadku aadka u socodka badan yihiin, ayaa waxa ay xannibeen waddo weyn, taasi oo dhalisay in sidoo kale dhowr qof la xiro.

Saraakiisha St. Louis County ayaa xaalad deg deg ah kusoo rogay magaalada, markii rabshafuhu ay dillaaceen.


XS
SM
MD
LG