Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Tahriibayaal Soomaali ah oo lagu xiray Niger


Niger map
Niger map

Tahriibayaal Soomaali ah oo doonayey inay galaan dalka Libya, ugana sii safraan xeebaha Talyaaniga, ayaa lagu qabtay magaalada Agadez ee dalka Niger, halkaasi oo muddo ay ku xirnaayeen.

Dadkan oo ka kooban saddex gabdhood oo mid ay uur leedahay iyo laba wiil, ayaa waxaa xiray ciidamada dalka Niger, ka hor inta aan lagu sii deyn heshiis dhex maray dowladaha Niger iyo Ghana, sida uu idaacadda VOA-da u sheegay Xaaji Xasan oo ka mid ah bulshada Soomaaliyeed ee magaalada Acra ee dalka Ghana.

Xaaji Xasan ayaa sheegay in dowladda Niger ay ogolaatay inay dadkaasi kasii deyso xabsiga, kuna soo wareejiso dowladda Ghana, si loo keeno magaalada Acra. Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii baasaboorada Soomaaliga ah oo ay dadkan wateen laga ogaaday in ay saarnaayen Visa Ghana ah.

Waxa kale oo uu shaaca ka qaaday in dadkan ay ka yimaadeen magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, halkaasi oo ay lacag uga soo qaateen mukhallasiin tahriibiya dadka doonaya inay tagaan Libya, si ay uga sii gudbaan dalka Talyaaniga.

Xaaji Xasan ayaa ku warramay in dadkaas ay iminka ku sugan yihiin magaalada Niamey ee caasimadda dalka Niger, halkaasi oo laga soo saari doono bas usoo kaxeeya magaalada Acra ee Ghana.

XS
SM
MD
LG