Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Tartamayaasha Jamhuuriga oo Doodaya Khamiista


Tartamayaasha xisbiga Jamhuuriga ayaa waxa hadda ugu cadcad Donald Trump oo ah ganacsade hodan ah. Mr. Trump ayaa kaalinta hore kaga jira dood habeenka Khamiista dhici doonta oo noqonaysa tii ugu horeysa ee tartannka doorasho ee 2016ka.

Doodda ayaa waxa kala qeyb galaya Jeb Bush oo horay guddoomiye uga soo noqday gobolka Florida, Scott Walker oo ah guddoomiyaha hadda ee gobolka Wisconsin iyo 7 tartame oo kale oo markii ugu horeysay ololaha soo galay.

Telefishanka Fow News ayaa shaaciyey 10 tartame oo ka qeyb qaadan dood dhacaysa xiliga TVga loogu daawashada badan yahay. Doodda ayaa ka dhacaysa gobolka OH. Tartamayaashan ayaa waxa lagu soo doortay halka ay kaga jiraan saadaasha dadweynaha laga uruuriyey.

XS
SM
MD
LG