Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Faaqidaadda iyo Booqashada Obama ee Bariga Afrika


Madaxweyne Barack Obama ayaa fiidnimadii Jimcaha ka degay magaalada Nayroobi ee dalka Kenya.

Waa booqashadii ugu horraysay ee uu ku tago dalkaasi tan iyo intii uu madaxweynaha noqday. Obama waxa uu ka qaybgeli doonaa shir looga hadlayo hal-abuurka ganacsiga waxaana uu waddankaasi joogi doonaa tan iuyo gelinka hore maalinta Isniinta.

Booqashada Kenya kadib Madaxweyne Obama waxa uu u gudbi doonaa dalka Itoobiya oo uu kula kulmi doono Madaxda waddankaasi iyo Midowga Afrika.

Haddaba waxaan idiin diyaarinay barnaamijka khaas ah oo ku saabsan Muhiimadda Booqashada Madaxweyne Obama ee Bariga Afrika oo idiin beddelaya Barnaamijkii Faaqidaadda Todobaadka.

Waxaa soo diyaariyey soona jeedinaya Haaruun Macruuf.

Barnaamijka oo dhan hoos ka dhegayso.

Dhegayso: Barnaamijka Faaqidaadda Todobaadka
please wait

No media source currently available

0:00 0:27:15 0:00

XS
SM
MD
LG