Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xiriirka Mareykanka iyo Cuba oo Soo Noqday


Dowladaha Mareykanka iyo Cuba ayaa si buuxda u soo ceshaday xiriirkoodii diblomaasiyadeed ka dib in ka badan 50 sanadood oo uu xiraarkaasi go’naa.

Wax yar ka dib 12kii saqdii dhexe ee xalay ayaa si rasmi ah loo saaray calanka Cuba ee Cadaanka iyo Buluugga ah isagoo ka dhex babanay calamada dalalka kale ee xiriirka diblomaasiyadeed la leh Mareykanka ee surran Dhismaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ee magaaladan Washington.

Labadaba Mareykanka iyo Cuba ayaa hadda leh safaarado buuxa oo labada dal ka howlgalaya.

Xiriirka diblomaasi ee soo noqday ee taariikhiga ah ayaa imaanaya 54 sanadood ka dib markii uu go’ay xiriirka labada dal xilligaa uu madaxweyne ka ahaa Mareykanka, John F. Kennedy

Saraakiisha dalka Cuba, oo uu ku jiray wasiirka Arrimaha Dibadda Bruno Rodríguez Parrilla, ayaa ka soo qeyb gali doona xaflad lagu furayo maanta oo Isniin ah safaaradda Cuba ee Mareykanka. Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ee dhinaca wadamada Koonfurta America, Roberta Jacobson, oo isagu door muhim ah ka soo qaatay wada xaajoodyadii u dhaxeeyay labaa wadan ayaa sidoo kale xafladaadi ka qeybgalaya.

Dhinaca kale, Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka John Kerry ayaa si rasmi ah u qaabili doona dhigiisa Cuba, Rodríguez Parrilla, maanta oo Isniin ah.

Labada masuul ayaa caawa saacadda Mareykanka wada jir u qaban doona shir ja’raa’id.

Furitaanka Safaaradda Mareykanka ee Cuba ayaa dib loo dhigay ilaa iyo inta Kerry uu kaga socdaalayo Havana, laakiin labada safaaradood ayaa si rasmi ah u sii shaqeyn doona.

Warbixin gaar ah oo arrintaasi ku saabsan ka dhegayso qaybta hoose ee boggan.

Dhegayso: Warbixin ku saabsan xidhiidhka Cuba iyo Maraykanka
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:48 0:00

XS
SM
MD
LG