Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qarax ka dhacay Afghanistan oo dad badan lagu dilay.


Afghansuicide attack.
Afghansuicide attack.

Qof isasoo miidaamiyay ayaa baabuur uu ka soo buuxiyay waxyaabaha qarxa la beegsaday goob ay ciidamda Afghanistan baabuurta ku baadhaan oo ku taala koonfurta bari ee dalkaasi xalayto fiidkii.

Ugu yaran 25 qof oo uu ka mid yahay taliyihii police ka gobolkaasi Faaisullah Saciid, iyo sidoo kale dad rayid ah oo u badan dumar iyo caruur ayaa ku dhintay qaraxaasi. Waxana dhaawacyo soo gaadheen tobaneeyo qof oo goobtaasi ka ag dhawaa.

Goobta uu qaraxani ka dhacay ayaa ku taala gobolka Khost, waxana ku dhow saldhiga ciidamada military ga maraykanka ee ku yaala gobolkasi oo ku dhaw xuduudka ay wadaagaan Afghanstan iyo Bakistan.

Ma jirto cid durbadiiba sheegatay inay weerarkasi ka masuul tahay.

XS
SM
MD
LG