Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Syria: Dalka Qaxootiga ugu Badani ka Cararay


Hay’adda Qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in tirade dadka ka cararaya colaadda dalka Syria ay markii ugu horraysay ka kormareen illaa 4 Million oo qof, waxaana dalka Syria uu noqday dalka ay ka carareen Qaxootiga ugu badan dunida xilliyadan dambe.

Hay’adda Qaxootiga dunida ee UNHCR ayaa sheegtay inay filayaan in tirada qaxootiga reer Syria ay sii kordhi doonto, maadaama xaaladda dalka Syria aanay u muuqan mid ka soo raynaysa.

Hay’adda Qaxootiga Dunida ee UNHCR ayaa sheegtay in arrintani daba socotay ka dib markii toban bilood ka hor qaxootiga Syria uu marayey illaa 3 Million oo qof.

Bishii June ee sannadkan ayaa in ka badan 24,000 oo qof oo reer Syria ahi waxay u qaxeen dalka Turkiga, kaas oo ah dalka qaxootiga ugu badan dunida marti geliya. Turkiga waxaa ku nool illaa 45% qaxootiga Syria ee dalkooda ka cararay oo xilligan gaadhay 4 Milyan oo qof. Dalalka kale ee Qaxootiga Syria ay ku nool yihiin waxaa ka mid ah Jordan, Lubnaan, Ciraaq iyo Masar.

Afhayeen u hadlay UNHCR Andrian Edwards ayaa u sheegay VOA in xaaladaha qaxootiga ay dalalkani martigeliyeen ay xaaladoodu sii xumaanayso, kuwaas oo qaybo badan oo ka mid ahi ay la daadegtay faqrinimo iyo quus ay nolosha kaga sugan yihiin. “Waxaanu arkaynaa xaalad sii kordhaysa oo ah arrimo dhibaato ku ah, sida shaqaalaynta caruurta, dawarsiga, guurka caruurta, iyo xaalado kale oo ka xun. Haddii aad eegto dalalka ay qaxootigani ku sugan yihiin, tusaale ahaan dalka Joordan oo kale 86% Qaxootiga ku nool xeryaha debeddu waxay ku sugan yihiin faqiirnimo ka hoosaysa heerka caadiga ah, qaxootiga ku nool Lubnaan Iyana 55% waxay ku nool yihiin hoy uu heerkiisu liito” ayuu yidhi Andrian Edwards oo ah afhayeenka UNHCR.

Edwards ayaa sheegay inay heleen afar dalool, hal dalool oo keliya oo ka mida kaalmada caalamiga ah ee loo baahnaa gaadhaysa $5.5 Billion oo dollar. Isaga oo ku dooday in lacag la’aanta jirta ay sababayso in xaaladda qaxootigu ay adkaato isla markaana ay culays badan ku keentay bulshooyinka marti geliyey qaxootiga laftooda.

Edwards ayaa sheegay in hay’adaha samafalka lagu khasbi doono inay la yimaaddaan qorsheyaal ay ku goynayaan adeegyada qaar, sababtoo ah lacagtii lagu maalgelin lahaa oo aan la hayn. “Mashaariic aad muhiim u ahaa inay sii socdaan sida Waxbarashada caruurta iyo caafimaadka ayaa laga yaabaa inay jidkaas qaadaan, waxaana ay taasi dhalinaysaa cawaaqif xumadeeda. Marka ay jiraan caruur badan oo aan awood u lahayn inay dugsiyada aadaan, ama aan awood u lahayn inay adeeg caafimaad helaan … waxaad foodsaaraysaa halista jiildhan oo lumaya” ayuu yidhi Edwards.

Edwards ayaa sheegay in qaar badan oo qaxootiga ka mid ahi aanay arkayn rajada ah inay wakhtiga dhow dib ugu laaban karaan dalkoodii hooyo, waxaana taasi keenaysaa in qaxooti badani ay u socdaalaan dalalka Yurub iyo meelo kale.

XS
SM
MD
LG