Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Rajada Wadahadalka Nukliyeerka Iran


Iydoo ay sii yaraaneyso rajada laga qabo in heshiis laga gaaro barnaamijka Nuclearka Iran, oo waqtiga loo qabtay uu ku egyahay sodonka bishan, ayaa saraakiisha mareykanka waxey wareeg cusub oo wada hadal kula jiraan, madaxa wadaxaajoodayaasha Iran maanta oo Isniinah.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka John Kerry ayaa hogaaminaya wafdi ku suggan magaalada, Vienna, ee dalka Austria, wafdigaas oo la kulmay, agaasimaha guud ee hey’adda Quwadda Atomikada ee aduunka, Yukiya Amano.

Mr. Kerry oo ku sii socday hotelka uu ka dhacayo wada hadalkan ayaa wariyeyaasha u sheegay inay ka shaqeynayeen sidii heshiiska waqtiga loo qabtay loogu gaaro, laakiin aan laga hordhici karin.

Mar wax laga weydiiyay in heshiis uu ka filanyo arrinta Nuclearka Iran ayuu Kerry ku jawaabay “waan arkeynaa “

Dhinaca kale Wasiirka Arrimaha dibadda ee Iran, Mohammad Javad Zarif ayaa ka maqan wada hadalkamaata .

Wuxuu shalay u duulay magaalada Tehran, hase yeeshee waxaa la filayaa iuuu ku noqdo Viena maalinta Talaadada .

XS
SM
MD
LG