Isku xirrada

War Deg-Deg ah

UNHCR:Tirada Dadka Qaxaya Wey Korortay


Hey’adda Qaxootiga ee Qaramada Midoobay, UNHCR, ayaa sheegtay in dad aad u tira badan ay dunida uga barakaceen guryahoodda dagaalo, gacan ka hadal, iyo xad gudubyo lagula kacay, isla markaana tirada dadka lagu qasbay inay guryahooda ka qaxaan ay sii kordheyso.

Warbixin cusub oo la baahiyay maanta oo Qamiis ah ayey UNHCR ku sheegtay in dhamaadkii sanadkii 2014tii, ay jireen ku dhawaad 60 malyuun oo qof oo qasab guryahooda looga qaxiyay, tiradaas oo ka badan tii sanadkii ka horeeyay, sidoo kalena ka badan 20 malyuun sidii ay aheyd toban sanadood ka hor.

Tirada kordhay intii u dhaxeysay 2013kii iyo 2014kii ayaa ah tii ugu horeysay ee abid sanad gudahii korodha.

Hirarka dadkii ugu badnaa ee guyahooda ka carara ayaa bilowday sanadkii 2011kii, markii uu dagaalku ka qarxay Syria, laakiin shanti sanadood ee la soo dhaafay, colaadaha hubeysan iyo dhibaatooyinka lagu hayo dadka ayaa ku qasbay dad badan oo ku nool meelo ka mid ah, Africa, Asia iyo Europe.

Sanadkii la soo dhaafay 42,500 oo qof ayaa maalintii dhibaato darteed uga cararayay guryahooda.

Sida uu sheegay Madaxa UNHCR, Antonio Gutaress, 122 qof ee kasta ee dunida ku nool, mid ka mid ah ayaa maanta ama qaxooti ah ama barakace ama raadinaya megangalyo.

Syria ayaa ah dalka ugu qaxootiga badan haatan dunida, waxaa ku soo xiga Afghanistan iyo Somalia.

Turkiga oo ay Syria derisyihiin ayaa noqday dalka qaxootiga ugu badan martigeliya dunida, halka Giriigga iyo Talyaaniga ay marin u noqdeen qaxootiga doonaya inay Yurub inteeda kale u gudbaan.

XS
SM
MD
LG