Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dhulgariir Ka Dhacay Malaysia


Dhulgariirkan ayaa cabbirkiisa lagu sheegay 5.9, iyadoo shaqaalaha badbaadada ay billaabaan baadi-goobka dad ka badbaaday dhul-gariirkaasi.

Taliyaha booliska ee degmada Ranau Mohamed Farhan Lee Abdullahi ayaa sheegay la soo helay meydadka illaa iyo 11 qof oo ay ku jiraan nin 30 jir ahaa oo dhisme ilaaliye ka ahaa iyo gabar 12 ahayd oo u dhalatay dalka Singapore oo la socotay 38 arday iyo labo macallin oo booqasho ku jooga dalka Malaysia.

Qiyaastii 200 oo qof oo ah dadka buuraha fuula ayaa la sheegay in ay ku sugnaayeen goobta uu ka dhacay dhulgariirku, iyadoo dhulgariirkaasi ay waxyeello ba'an ka soo gaadhay dhismayaasha gobolka Sabah ee dalka Malaysia oo ah halka uu ka dhacay.

XS
SM
MD
LG