Isku xirrada

War Deg-Deg ah

US: Xogta 4 Milyan oo Shaqaale ah oo la Xaday


Aqalka Cad ee Maraykanka ayaa sheegay in Xafiiska Maamulka Shaqaalaha ee Maraykanku uu maalinta Isniinta ee soo socota uu bilaabi doono inay ogaysiiyaan shakhsiyaadka uu saamaynta ku yeeshay weerar ballaadhan oo lagu qaaday Shaqaalaha Dawladda Maraykanka.

Xafiiskan ayaa ururiya macluumaadka gaar ah ee Malaayiin ka mida shaqaalaha Federaalka ee dawladda Maraykanka isla markaana bixiya ruqsadaha tilmaamaya shaqaalaha lagu kalsoonaan karo ee u shaqaynaya xafiisyada dawladda.

Masuuliyiinta Xukuumadda ayaa ka gaabsaday inay si furan u cambaareeyaan weerarkan lagu xaday macluumaadka shaqaalaha iyaga oo sheegay inay baadhisi socoto.

Qaar ka mida masuuliyiinta Maraykanka iyo dadka wax falanqeeya ayaa sheegay inay aaminsan yihiin in koox fadhigoodu yahay dalka Shiinaha inay masuul ka ahayd weerarka dhinaca Internetka ah ee lagu soo qaaday hay’ado kala duwan oo Maraykanka ah.

Weeraradan dhinaca Internetka ayaa lagu bartilmaameedsaday macluumaadka shaqsiga ah ee dad gaadhaya illaa 4 Milyan oo ka mida shaqaalaha Federaalka Maraykanka ee iminka iyo kuwii horeba.

Brad Garrett oo hore ula shaqayn jiray hay’adda dembi-baadhista Maraykanka ee FBI ayaa sheegay “Goobta weerarka laga soo qaaday ayaa ah dalka Shiinaha, Su’aasha la isweydiinayo ayaase ah doorka ma ku leedahay dawladdu mise waa koox gaar ah oo Computer-ada jabsata” ayuu yidhi.

Dawladda Shiinaha ayaa jawaab cad ka bixisay eedaha loo soo jeediyey ee lala xidhiidhiyey weerarka lagu qaaday shaqaalaha dawladda ee Maraykanka.

Hong Lei oo ah afhayeen u hadlay wasaaradda Arrimaha Debedda ayaa sheegay

“Waxaan ka filaynaa dawladda Maraykanku inay joojiso eedaha aan sal iyo raadka toonna lahayn, taas bedelkeedana ay muujiyaan is-aaminaad iyo wada-shaqayn”

Afhayeen u hadlay aqalka cad ee dalka Maraykanka John Earnest ayaa si kooban arrintan uga hadlay.

“Gunaanadka arrintan uma boodi karo, oo kama hadli karo cidda weerarkan geysatay ama dalka geystay”

Wuxuu Afhayeenka Aqalka Cad oo hadalkiisa sii wata uu sheegay in dawladda Maraykanka iyo Shiinuhu ay xilligan ka wada xaajoonayaan arrimaha la xidhiidha weerarada dhinaca internetka.

“Marka laga hadlayo dalka Shiinaha, waxaad la socotaan in madaxweynuhu marar kala duwan iyo kulan walba oo uu la yeeshay madaxweynaha haatan xukuma dalka Shiinaha inuu u muujiye walaaca isa-soo taraya ee la xidhiidha weerarada ka imana dalka Shiinaha”

Afhayeenka ayaa sheegay in dawladda Maraykanku ay qaadayso tallaaboyin xooggan oo lagu difaacayo laguna ilaalinayo xogta dawladda si aanay ugu soo dhicin kooxaha weerarka ku soo qaadaya computer-ada Maraykanku.

XS
SM
MD
LG