Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maalinta Caalamiga ah ee Xuriyadda Saxaafadda


Maanta oo Axad ah ayaa waxey ku beegantahay maalinta caalamiga ah ee Xuriyadda Saxaafadda , oo ah maalin dalalka ku bahoobay Qaramada Midoobay ay xusaan sanadkiiba mar tan iyo 1993kii si loo taageero looguna dabaal deggo , mabaa’diida aas aasiga ah ee xutiyadda saxaafadda.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in maalinta ay sidoo kale tahay mubaasabad lagu ogeysiinayo muwaadiniinta dalalka caalamka xadgudubyada ka dhanka ah saxaafadda xurta ah ee dunida ka dhaca.

Tusmada Rekoorka Maalinta Xuriyadda Saxaafadda ee caalamiga ah ee Sanadkan 2015ka ayaa iftiimineysa saameynta colaaduhu ay ku yeesheen xuriyatul qowlka.

Hey’adda u doodda xuquuqda Saxaafadda iyo saxafiyiinta ee wariyeyaasha aan xuduudda laheyn, ee marka la soo gaabiyo la yirahdo RSF, oo tusmadan soo saartay ayaa sheegtay in handadaad iyo halista lagu hayo xuiyadda saxaafadda dunida oo dhan ay yihiin kuwo ka sii daraya

liiska xuriyadda saxaafadda ee dunida waxaa meesha ugu sareysa ka galay sanadkii shanaad oo xiriir ah dalka Finland.

Laba dal oo kale oo iyagana ka tirsan dalalka Scandinavianka- oo kala ah Norway iyo Denmark – ayaa ku xiga Finland.

Xagga hoose waxaa liska kaga jira - Turkmenistan, Kuuriyada Waqooyi iyo Eritrea, oo kaalinta ugu hoseysa kaga jirta liiskan oo 180 wadan ay ku jiraan.

Mareykanka ayaa liiskan kaga jira kaalinta 49aad, Britain kaalinta 34aad, halka Japan kaalinta 61aad ku jirto.

Halka hoose ee liiskan waxaa sidoo kale ku jira, Afghanistan, Zimbabwe, Cub, China, iyo Somalia.

Somali, ayaa sanad walba waxaa laga soo wariyaa warbaahin lagu qasbo inay wax faafreebaan, la ganaaxo, shaqadooda la hakiyo amaba la xiro , iyadoo wariyeyaal , tifaftirayaal, iyo dad wax daabaca la dhibaateeyo, la weeraro, la xirro, qaarkoodna la dilo.

XS
SM
MD
LG