Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Nepal: Tirada Dhimashada Dhulgariirkii oo kor u kacday


Tirada Dhimashada ee uu sababay dhulgariirkii dalka Nepal ayaa weli kor u socota, waxaana tiradaasi xilligan kor u dhaaftay illaa 6,200 oo qof.

Kooxaha gurmadka degdegga ah ayaa weli ku mashquulsan inay burburka dhismayaasha ka soo saaraan meydad dheeri ah, waxaana la filayaa in tirada dhimashadu ay weli kor u socoto.

Xukuumadda Nepal ayaa siisay qoysaska dadkoodu ku dhinteen dhulgariirka min $1000, iyo weliba $400 oo ay ugu talo galeen kharashiyaadka aaska.

Caasimadda dalka Nepal ee Kathmandu ayaa laga dareemayaa urta meydadka, waxayna taasi keentay in qoysas badani ay ka guuraan guryahooda, iyaga oo xilligan ku nool bannaanada.

Qaramada midoobay ayaa sheegtay in illaa sideed milyan oo qof uu saameeyey dhulgariirku, waxaana ku barakacay illaa laba milyan oo qof oo dadkaas ka mid ah.

XS
SM
MD
LG