Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Togo oo Doorasho Ka Billaamatay


Madaxweynaha hadda talada haya Faure Gnassingbe ayaa u baratamaya in xilka madaxweynenimo si loo soo doorto markii saddexaad, tasoo haddii ay dhacdo ka dhigeysa in xukunka dalkaasi uu qoyska uu ka soo jeedo uu maamulo ku dhawaad nus qarni.

Madaxweyne Faure ayaa talada dalkaasi la wareegay kaddib markii uu geeriyooday aabihiis Yasinbe Eyadema sanadkii 2005-dii, kaasoo dalkaasi soo maamulay 38 sano kaddib markii uu dalkaasi xornimada ka qaatay guumeystihii Faransiiska ee dalkaasi gacanta ku hayay.

Hoggaamiyaha mucaaradka Jean-Pierre Fabre ayaa sidoo kale oo u bartamaya xilka madaxweynenimada dalka Togo, kaasoo sidoo kale ka bartamay doorashadii hore ee dalkaasi ka dhacay ayaa la filayaa in uu galo kaalinta labaad .

Waxaa horay isu diiwaangeliyey 3.5 milyan oo qof oo ka dhigan nus dadka ku nool dalka Togo, walow aan la hubi inta dhiiban doonto codadkooda si ay madaxweyne ku doortaan.

XS
SM
MD
LG