Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mrs Obama oo Dhiiri-gelinaysa Waxbarashada Hablaha


Masuuliyiinta dalka Cambodia ee ku yaalla qaaradda Asia ayaa iyagu sheegay inay rajo badan ka qabaan safarka Marwada Koowaad ee dalkan Maraykanka Michelle Obama ay ku marayso dalkaas, iyaga oo sheegay inay wax weyn ka tari doonto mustaqbalka waxbarashada hablaha dalkaas.

Phorn Chan Bonavy waa gabadh wax ka barata fasalka lixaad ee dugsiga hoose ee Kesaraream ee ku yaalla dalka Cambodia halkaas oo ay booqatay Marwada Madaxweynaha dalkan Maraykanka.

Gabadhan yar ayaa iyadu niyadda ku haysa inay dhamaysato waxbarashada dugsiga sare, waxayse walaac ka qabtaa inay waxbarashadeeda sii wadan karto si ay u caawiso qoyskeeda, sheekadeeduna waxayna la mid tahay tan hablo badan oo dalkaas wax ka barta.

Laakiin waxay u muuqataa inay ka go’an tahay inay waxbarashadeeda dhamaysato.

Maamulaha Dugsiga Kesaraream Van Marath ayaa iyadu sheegaysa inay rajo badan ka qabto safarka Mrs Obama, iyo hindiseheeda ay waddo ee loogu magac daray ‘Let Girls Learn’ ama “Habluhu wax ha barteen”, waxayna sheegtay in mashruucaasi uu caawin karo hablaha la mid ka ah Bonavy.

Dalka Cambodia wuxuu ka mid yahay 11 dal oo ka faa’iidaysanaya mashruuca wax barista hablaha, kaas oo hadafkiisa durugsani yahay in kor loogu qaado hablaha aadaya isla markaana dhamaysanaya waxbarashadooda.

Qayb ka mid mashuuracan ayaa taageeraysa hannaanka bulshadu wax u xalliso, oo soo mari doona US Peace Corps, oo ah samafalayaal ka shaqeeya dalka Cambodia iyo in ka badan 60 dal oo ah kuwa soo koraya.

Marwada Koowaad ee Dalka Maraykanka Michelle Obama ayaa iyadu sheegaysa, “Marka habluhu wax bartaan, marka ay bartaan sida wax loo akhriyo, wax loo qoro ama loo fekero, taasi waxay siinaysaa fursad ay cod dheer ugu hadli karaan, isla markaana ka dhiidhiyi karaan cadaalad darrada iyaga oo dalbanaya in si siman loola dhaqmo, sidoo kalena dalbanaya inay siyaasadda ka qayb-galaan, waxay kale oo la xisaabtami karayaan hoggamiyayaashooda, iyaga oo ku hoggaamin kara isbedelka ay doonayaan” ayay tidhi Mrs Obama.

Illaa 62 million oo gabdhood oo dunida ku nool Ayaan fursad u helin inay aadaan dugsiyada, halka qaarkooda fursadda u hela eek u nool wadamada soo koraya ay walaac ka qabaan inay waxbarashadooda dhamaystaan.

Hang Naron oo ah Wasiirka Waxbarashada ee dalka Cambodia ayaa isagu sheegay:

“Sababo la xidhiidha faqrinimada jirta ayaa caruurta qaarkood gaar ahaan gabdhuhu aanay awoodin inay waxbarashadooda dhamaystaan, sidaas awgeed waxaa dalka Cambodia uu soo dhoweynayaa hindisaha marwada koowaad ee dalka Maraykanka Michelle Obama, taasina waxay horseedi doontaa in hablaha reer Cambodia ay wax u bartaan sida kuwa dhigooda ah ee ku nool wadamada horumaray”

Ururada u dhaqdhaqaaqa xuquuqda madaniga ah eek a shaqeeya dalkaas ayaa yididiilo ka muujiyey mashruucan ka dib markii ay la kulmeen marwada koowaad ee dalkan MAraykanka Mrs Michelle Obama.

XS
SM
MD
LG