Dawladda Pakistan ayaa xukun dil ah oo daldalaad ah ku fulisay 10 qof.
Tiradan ayaa ah tiradii u badnayd oo hal maalin gudaheed lagu fuliyo tan iyo markii xukuumaddu ay di u fasaxday xukunada dilka ah.
Xeerkan ayaa markii hore ogolaanayay in la dilo oo kaliya dadka falalka aragagxisada loo soo xidho , lakain todobaadkii hore ayaa xeerka dib u habayn lagu sameeyay iyada oo lagu daray dhamaan maxaabiista u xidhan dilka ee rafcaankooda la soo diiday.
Tan iyo markii dib loo soo dhaqangaliyay xeerkan ayaa waxaa lagu fuliyay 27 qof iyo 10ka qof ee manta la dilay.
Kooxaha u dooda xuquuqda aadamaha ayaa arrintan cambaareeyay iyaga oo sheegay in dalka Pakistan aay fududahay in dadka la iska eedeeyoiyada oo dadka maxaabiista la jidh dilo si ay dambiga u qirtaan.