Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Safiirka Maraykanka ee K. Kuuriya oo Cusbitaalka ka Baxay


Safiirka dalka Maraykanka u jooga Kuuriyada Koonfureed ayaa ka soo baxay cusbitaalka ka dib markii toddobaadkii hore wejiga lagaga dhaawacay mindi.

Ambassador Mark Lippert ayaa weriyayaasha u sheegay maanta oo salaasa ah in xaaladiisu ay wanaagsan tahay isla markaana uu ka soo bogsanayo dhaawacii soo gaadhay.

Safiirka Maraykanka ayaa dhacdadii lagu soo weeraray ku tilmaamay inay ahayd fal naxdin leh, laakiin wuxuu sheegay inuu xilligan socon karayo, lugaynayo, hadlayo isla markaa uu xambaari karayo cunugiisa sidoo kalena uu laab-qaadi karayo xaaskiisa.

Wuxuu sheegay inuu u baahan yahay xoogaa inay gacantiisu dib u soo kabato, laakiin uu wejigiisu fiican yahay, wuxuuna u mahadceliyey dhakhaatiirtii caafimaadka ee ka hawlgalay dhaawaciisa.

XS
SM
MD
LG