Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ruushka oo Maxkamadeeyey Dadkii Dilay Nemtsov


Xaakin Ruush ah ayaa sheegay shalay Axaddi in Taliye hore oo ka tirsanaa booliska Jeejniya inuu qirtay inuu ku luglahaa dilkii loo geystay hoggaamiyihii mucaaradka Ruushka Boris Nemtsov.

Saraakiisha Amniga Ruushka ayaa iyagu sii wada baadhista la xidhiidha dilka hoggaamiyaha Mucaaradka.

Illaa shan qof ayaa ka soo muuqday maxkamad ku taalla Moscow, kuwaas oo loo xidhay in wax laga weydiiyo dilka hoggaamiyaha mucaaradka ah.

Nemtsov ayaa xagga dambe laga toogtay afar jeer bishii February 27-keedii xilli uu lugaynayey buundo ku taalla guri ay deggan tahay saaxiibaddii, goobtaas oo u dhow aqalka madaxtooyada ee Ruushka.

XS
SM
MD
LG