Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kyiv: Hollande iyo Merkel oo Wada Hindise Cusub


Hogaamiyeyaasha Jarmalka iyo Faransiiska ayaa Khamiistii shalay gaaray xarunta dalka Ukraine, iyaga oo halkaas la tagey qorshe nabadeed oo la doonayo in lagu joojiyo dagaalka ka socda meel u dhow xuduudda Ruushka.

RW-ha Jarmalka Angela Merkel iyo madaxweynaha Faransiiska Francois Hollande ayaa magaalada Kyiv kula kulmay madaxweynaha ay reer Galbeedku gacanta siiyaan, Petro Poroshenko. Kulanka ayaa saxaafadda laga horjoogsaday, illaa iyo haddana ma jiraan wax caddeeyey qorshaha nabadda ee Yurub ay la timid.

Hogaamiyeyaasha Jarmalka iyo Faransiiska ayaa labaduba Jimcaha maanta ah Ruushka u tagaya inay qorshahooda nabadda la wadaagaan madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin.

XS
SM
MD
LG