Barnaamijka faaqidaadda toddobaadka ayaa ku saabsan xukunka Puntland ee Siyaasiyiinta ka qaybgalay shirka Maamul u samaynta Gobollada Dhexe iyo Jawaabaha laga bixiyey.
Barnaamijka faaqidaada waxaa ka qaybgelaya Cabdi Xasan Cilmi oo ka tirsan Guddida Qaban-qaabada shirka Ximan iyo Xeeb oo ku sugan magaalada Cadaado, Maxamed Xareed Faarax ku-xigeenka Xeer ilaaliyaha Puntland oo ku sugan Garoowe iyo Maxamuud Geeldoon oo wax ka qora arrimaha Siyaasadda Somalia oo ku sugan dalka Maraykanka.
Barnaamijka Faaqidaada toddobaadka waxaa innoo soo jeedinaya Maxamed Cabdi Sandheere