Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Paris: Socod lagu Taageerayo dadkii Dhintay


Dad kor u dhaafaya 700 oo kun oo qof ayaa Sabtidii shalay iyaga oo aamusan socod ku maray magaalooyin ka mid ah dadlka Faransiiska. Dadkan ayaa taageero weyn u muujinayey 17kii dhibane ee lagu dilay weeraro argagixiso oo dalkaas ka dhacay in ka badan nus qarni.

Malaayiin kale oo ay ku jiraan hogaamiyeyaal caalamka ka socda ayaa la filayaa inay Axadda maanta ah ay socod ku maraan magaalada Paris. Waana taageero aan horay loo arag oo loo muujinayo dhibanayaashii weeraradii magaaladaas.

RW-ha Britain David Cameron, RW-ha Jarmalka, Angela Merkel, ka Israel Benjamin Natenyahu, madaxweynaha Falastiin Maxmuud Cabbaas, iyo boqorka Urdun, ayaa u ballansan inay ka qeyb galaan socodkaas.

RW-ha Faransiiska Manuel Valls oo hadlay Sabtidii shalay ayaa u sheegay dad ku baroor diiqayey dukaankii weerarka lagu qaaday oo dadka yuhuudda ahi ka adeegtaan, isaga oo yiri: “Shaki kama qabo in malaayiin muwaadiniin ahi ay soo baxayaan si u muujiyaan jaceylka ay xorriyadda u qabaan”. Waxa uu intaas ku daray “Faransiiska oo bilaa Yuhuud ahi in aanu Faransiis noqoneynin.”

XS
SM
MD
LG