Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wararkii ugu Dambeeyay ee Dhacdooyinkii Paris


Ciidamada Amaanka dalka Faransiiska ayaa weli heegan ku jira inkastoo dhaq dhaqaaqa magaalada uu caadi ku soo noqday , ka dib sadex maalmood oo falal argagixiso la xiriira ay ka socdeen dalkaasi, kuwaas oo ay ku dhinteen ugu 17 qof.

Jimcihii shalay ayaa booliska Faransiisku waqooyiga Magaalada Paris ay ku toogteen sadex qof oo looga shakisanaa inay geysteen weeraro mataano ah. Hase yeeshee hal qof oo laga shakisanyahay in weeraradaa ay ku lug laheyd ayaa weli boolisku ku raad joogaan.

Wariyeheena Maxamed Colaad Xassan ayaa Khadka taleefanka ee Paris kula xiriiray Khadar Axmed Xassan oo ka mid ah Jaaliyadda Somalida ee halkaa ku nool wuxuuna ugu horeyn weydiiyay wararkii wararkii ugu dambeeyay .

Dhageyso Wareysiga Wararkii Ugu Dambeeyay ee Paris
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:07 0:00

XS
SM
MD
LG