Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Aas Loo Sameeyay Sarkaal Ka tirsanaa Booliska NY


Kumanaan saraakiil boolis ah iyo dad tacsiyeysan oo isaga kala yimid guud ahaan waddanka Maraykanka ayaa isugu yimid New York si ay u maamuusaan Wenjian Liu oo ahaa nin ka tirsanaa booliska oo toogasho lagu dilay bishii hore ka dib markii weerar lagu qaaday.

Mayorka magaalada Bill de Blasio iyo xubnaha qoyskiisa ayaa amaanay sarkaalka, kaasoo lala dilay saaxiibkii iyagoo dhex fadhiyay gaarigooda ilaalada ku jiray dabayaaqadii bishii December.

Xaaska Liu oo ay laba bilood uun is qabeen ayaa murugo la ilmeysay iyadoo hadal ka jeedineysay munaasabadda aaska.

Waxa ay sheegtay inuu ahaa nin aad u shaqo badan, oo aan cabsan haddii uu shaqo ku jiro iyo haddii kaleba.

Ismaaiyl Brinsley oo 28-jir ahaa ayaa dilay Liu iyo sarkaalka Rafael Ramos, ka hor intii uusan isagana isku dilin meel ku dhow goob tareenada laga raaco.

XS
SM
MD
LG