Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Abu Anas al-Libi oo Geeriyooday


African Terrorist Raids-Interrogation
African Terrorist Raids-Interrogation

Nin looga shakiyay inuu xubin ka ahaa Ururka Al-Qacida ayaa geeriyooday maalmo un ka hor inta aan loo soo taagin maxkamad ku taala New York, weeraradii 1998dii lagu qaaday safaarado uu mareykanku ku leeyahay Africa.

Ninkan oo lagu magacaabo Abu Anas al-Libi, ayaa qareenkiisa waxa uu sheegay inuu qabay xanuunka hepatitis C oo markii dambe ku noqday Kansarka beerka ku dhaca, Jimcihii shalay ayuu ku dhintay Cusbital ku yaala magaalada New York.

Libi iyo Khalid al-Fawwaz, oo u dhashay Sacuudiga ayaa lagu waday in maxkamad la soo taago 12ka bishan, iyagoo loo heysto weeraradii lagu qaaday 1998dii safaaradaha Mareykanka ee Kenya iyo Tanzania, kuwaas oo ay ku dhinteen in ka badan 200 oo qof.

Bernard Kleinman, oo ah Qareenka Libi, ayaa sheegay in xaaladda Caafimaad ee LIBI ay aheyd mid si lama filaan ah u darsatay bishii la soo dhaafay.

Libi iyo Fawwaz ayaa labaduba sheegay inaysan shaqo ku laheyn dambiyada shirqool ee lagu soo eedeeyay.

LIbi waxaa waxaa magaalada Tripoli ee caasimadda Libya ka soo qabtay bishii October 2013kii ciidamada Gaarka ah ee Mareykanka . wuxuuna ku jiray liiska dadka argagixisada sida weyn loogu doon doonayaty ee hay’adda FPIda.

XS
SM
MD
LG