Isku xirrada

War Deg-Deg ah

China: 35 ku Dhintay Xafladda Sanadka Cusub


Ugu yaraan 35 qof ayaa ku dhimatay magaalada Shangahai ee dalka China ka dib markii ay dad badan oo u dabaal degayay soo dhawaynta sannadka cusub ay is jiidheeen.

Is jiidkan ayaa waxa ku dhaawacmay tobaneeyo qof oo kale.

Goobjoogayaasha ayaa sheegaya inay dadku is jiidheen iyaga oo ku ordaya lacag been abuur ah oo qof ka soo daadiyay dabaq u dhow halka damaashaadku ka dhacayay.

Dhacdadan ayaa ka dhacday fagaahara Cheng Yi ee magaaladaasi, qaddar daqiiqada ah ka hor habeen badhkii.

Qof goob jooga ah ayaa sheegay inay dadku si xoog ah isku cidhiidhyeen iyaga oo ku ordaya lacagtaasi oo markii dambe ay ogaadeen inay ahayd lacag been abuur ah oo aan sax ahayn

XS
SM
MD
LG