Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muran ka Taagan Doorashada Tunisia


Dadweyanaha dalka Tunisa ayaa ka war sugaya natiijada doorashada madaxnimada ee dalkaasi.

Doorashadan ayaa loo arkaa inay astaan muhiim ah u tahay geediga dhinaca dimuqraadiyada ee dalkaasi.

Natiijooyinka hordhaca ah Ayaan wali la shaacin, laakin Murashaxa mucaaradka ee Beji Caid Essebsi oo ka soo horjeeda axsaabta islaamiga ah ayaa sheeganaya in uu ka guulasytay madaxweynaha kumeelgaarka ah Moncef Marzouki.

Madaxa ololaha doorshada ee Essebsi ayaa sheegaya inuu wararka ay helayaan ay muujinayaan inuu guulaystay al Essebsi.

Laakin madaxa olalaha madaxweynaha ku meel gaarka ah Moncef Marzouki ayaa arrintaasi ku gacan saydhay.

Tunsia ayaa ahayd dalkii ugu horeeyay ee ay ka bilawdeen kacdoonadii dalalka carabta oo xukunka looga tuuray qaar ka mid ah madaxdii dalalka carabta.

XS
SM
MD
LG