Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Booliska oo soo Afjaray Afduubkii Sydney


Booliska Australia ayaa soo afjaray hawlgalkii ka socday maqaayadda dadka lagu afduubay,Wararka laga helayo saxaafadda dalkaasi ayaa sheegaya in ninkii afduubka gaystay iyo qof kale ay dhinteen.

Ciidamada Booliska ee Australia ayaa soo bandhigay magaca iyo jinsiyadda ninkii dadka ku afduubay makhaayadda kaas oo ay magaciisa ku sheegeen Man Harun Monis oo u dhashay dalka Iran.

Muuqaallada sida tooska ah looga baahinayay Telefiishanada kala duwan ayaa muujinaya Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee dalka Australia oo gudaha u gelaya makhaayaddan.

Waxa kale oo la arkayay qaar ka mid ah la haystayaashii oo ka soo baxsanaya gudaha maqaayadda, kadib markii muddo 16 saacadood ah halkaasi afduub loogu haystay.

Wali si rasmi ah ciidamada boolisku umay soo bandhigin tirada rasmiga ah ee makhaayaddan lagu qabsaday iyo in cid khasaare soo gaadhay iyo inkale.

Taliyaha Booliska ee gobolka New South ayaa diiday inuu falkan ugu yeedho argagixiso. Hase ahaatee wuxuu sheegay inay soo afmeeri doonaan.

Ra’iisal Wasaaraha Australia Tony Abbott ayaa sheegay in falkan ka dhacay makhaayada Lindt Chocolate ee ku taalla badhtamaha magaalada Sydne inay dhici karto inay xidhiidh la leedahay arrimo siyaasi ah.

Man Haron Monis oo hore loogu yaqaanay Manteghi Bourjerdi. Waxaana ay indhaha bulshadu qabteen isaga oo qoray waraaq uu ugu ololaynayo qoysaska dadkii ay ciidamada Australia ku dileen dalka Afganistan, isaga oo dhaleeceeyey tallaabooyinka ay qaadeen ciidamada dalka Australia.​

XS
SM
MD
LG