Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kenya: Wasiirkii Gudaha oo Xilkii laga Qaaday


Wasiirkii arrimaha gudaha ee dalka Kenya Joseph Ole Lenku ayaa xilkii laga qaaday, sidoo kalena waxaa is casilay taliyihii ciidamada booliska ee Kenya David Kimaiyo.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa isla maanta xilka wasaaradda arrimaha gudaha u magacaabay Major General Joseph Nkaissery ooh ore uga tirsanaa ciidamada Kenya haatanna hawlgab ahaa.

Madaxweynaha Kenya ayaa la hadlay shacabka dalkaasi, tallaabooyinka ayaa ku soo beegmaya iyada Maliishiyaadka kooxda Al Shabab ee dalka Somalia ayaa sheegteen mas’uuliyadda dilka 36 qof oo maanta ka dhacay waqooyiga bari ee Kenya.

Hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga ayaa aad u cambaareeyay maamulka madaxweyne Kenyatta waxaana uu ku hanjabay inay qaadi doonaan tallaabooyin aan la shaacin oo ka dhan ah xukuumdda talada haysa.

Weerarka al shabaab ayaa ka dhacay goob dhagaxa laga qodo oo ku dhow magaalada Mandera, halkaas oo dad goobjoogeyaal ah ay sheegeen in dableyda ay shaqaalahaasi ku weerareen teendhooyinkooda oo ay xiligaasi hurdayeen.

War uu soo saarey ururka Al Shabab ayaa lagu sheegay in maliishiyaadkooda ay dileen wax ay ugu yeereen “Saliibiyiinta Kenya” isla markaana ay taasi jawaab kaga dhigayaan talaabada ay Kenya ciidammadeeda ku geysey gudaha Somalia.

Ciidammada Kenya ayaa tan iyo sannadkii 2011 ku sugnaa Somalia, iyagoo qeyb ka ah xoogagga nabad ilaalinta Midowga Afrika ee gacanta ka geystey in Al Shabab laga saaro magaalooyin waaweyn oo horey ay u haysteen.

Maliishiyada Al Shabab ayaa horey weerarp dhowr ah uga geystey Kenya, iyagoo isla markaan xukuumadda Madaxweyne Uhuru Kenyatta uga digey inay geysan doonaan weeraro hor leh haddii aaney ciidammadeeda kala soo bixin Somalia.

Bishii la soo dhaafey, Al Shabab waxay isla degaanka Mandera ku dishey 28 qof, markii ay weerareen bas rakaab ah oo ay saarnaayeen.

Warbixinnada Weerarka Mandera halkan ka dhegeysi:

please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:06:27 0:00

please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:05:21 0:00

please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:05:01 0:00

XS
SM
MD
LG