Ciidammada amniga ayaa maanta qaadey jidgooyo ay bartamaha magaalada dhigeen kooxaha dhigaya banaanbaxyada dowladda looga soo horjeedo ee ka socda Hong Kong.
Ma jirin wax iska hortaag ah oo ay sameeyeen mucaaradka banaanbaxyaasi ka qeyb qaadanaya . Qaar ayaa horey halkaasi uga qaadey teendhooyin iyo agab kale oo ay lahaayeen, iyagoo geeyey goob aan halkaasi ka fogeyn oo boolisku uu ka dhaqaaqey.
Hoggaamiyaha ardayda banaanbaxyada dhigaya Josh Wong ayaa sheegay in taageerayaasha banaanbaxyada ka qeyb qaadanaya lagu wargeliyey inaaney booliska dagaal la gelin.
Toddobaadkii hore maxkamad ku taalla Honk Kong ayaa ku amartey dadka banaanbaxyada dhigaya inay goobahaasi isaga tagaan.
Mid ka mid ah dadka banaanbaxyada dhigaya ayaa sheegay inay halkaasi si nabad ah ku joogi doonaan ilaa iyo marka ugu dambeysa.
Dadka banaanbaxyada dhigaya ayaa dalbanayaa in sannadka 2017-ka ay qabsoomaan doorashooyin dimoqraadi ah oo buuxa, halka dowladduna ay dooneyso inay iyadu yeelato kaalinta lagu shaandheynayo musharixiinta maamulka gobolkaasi.