Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Burkina Faso: Compaore oo "Is Casiley"


Ciidamada Burkina Faso ayaa sheegay in Madaxweyne Blaise Compaore ayaa xilka ka degey muddo 27 sanno kadib oo uu xukunka hayey.

Burkina 24 News oo soo xiganeysa afhayeen u hadley ciidammada ayaa sheegtay in madaxweynaha uu is casiley maanta oo Jimco ah, maalin kadib markii dad banaanbaxyo dhigaya ay gubeen dhismaha baarlamanka, iyagoo diiddan go’aan la doonayey in loogu oggolaado Mr Compaore inuu mar kale isku soo taago jagada madaxtinimada.

Afhayeenka ciidammada, Colonel Isaac Zida, ma aanu sheegin halka uu ku sugan yahay Mr Compaore, isla markaana faahfaahin kama bixin cidda bedeleysa madaxweynaha is casiley.

Ma jiro war toos oo ka soo baxay madaxweynaha tan iyo markii gelinkii dambe ee Khamiista uu soo saarey war uu ku sheegay inuu wadahadal la furayo mucaaradka.

XS
SM
MD
LG