Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kurdiyiinta Ciraaq oo Ka Dagaal Galaya Kobani


Dagaalyanahada Kurdiyiinta Ciraaq ee Peshmerga ayaa ku sii jeeda magaalada Kobani ee xadka Syria iyo Turkiga, si ey gacan u siiyaan- kurdiyiinta Syria ee ka difaacaya magaaladaasi mintidiinta Daacish ee doonaya inay qabsadaan.

Saraakiisha Kurdiyiinta ayaa sheegaya in 80 dagaalyanahan, oo ku qalabeysay qoryaha darandooriga u dhaca iyo madaafiicda goobta ay u duuleen dalka Tukriga Talaadadii shalay, si halkaasi ugu gudbaan magaalada Kobani ee ku taala xadka dhinaca koonfureed uu turkigu kala wadaago Syria.

72 dagaalyhan oo kale ayaa la filayaa inay Iyana ku biiraan dagaalyanadaasi maanta oo Arbaca ah.

Wasiirka Arimaha Dibadda ee Turkiga Mevlut Cavusoglu ayaa sheegay in ciidamada Peshmerga ay gali doonaan magaalada uu dagaalka ka socdo ee Kobani.

Turkiga ayaa in muddo ahba ka laba labeynayay in ciidamadiisu ay ku lug yeeshaan dagaalka Kobani, maxaa yeelay – dowladda Turkigu waxey aaminsantahay in kurdiyiinta Syria ee magaaladaasi difaacaya ay xiriir la leeyihiin xisbiga kurdiyiinta ee Kurdistan Workers' Party, oo dalka Turkiga laga mamnuucay muddo 30 sanadood ahna dagaal kula jiray xukumadda Ankara.

Hase yeeshee todobaadkii la soo dhaafay ayuu Turkigu oglaaday in dagaalyahanadda Permerga ee Kurdiyiinta Ciraaq ay dhulka turkiga isticmaalaa si ey ugu gudbaan Kobani.

XS
SM
MD
LG