Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Uhuru Kenyatta oo Dacwadiisa Berri la Qaadayo


Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa dalkiisa ka ambabaxay si u tago dhageysiga dacwadda loo haysto ee ka dhacaysa magaalada The Hague, halkaas oo ay ku taallo Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah ee ICC.

Mr. Kenyatta ayaa Talaadada maanta ah ka duulay magaalada Nairobi, maalin uun ka hor inta aanay maxkamaddu u bilaaban.

Waxa loo haystaa 5 dambi oo ka dhan ah bani’aadanimida, iyada oo la sheegay in uu kaalin ka geystay abaabulka gacan ka hadal daran oo dhacay ka dib doorashadii dalka Kenya ee sanadkii 2008dii.

Inta Mr. Kenyatta uu maqan yahay, waxa xilka madaxweynenimo sii heyn doona kuxigeenkiisa William Ruto.

Maxkamadda Caalamiga ah ee ICC ayaa Mr. Rutana ku eedeysay dambiyo ka dhan ah bani’aadaminimada, kuwaas oo la xiriira gacan ka hadalkii sanadkii 2008dii. Maxkamadiisa oo bilaabatay sanad ka hor ayaa Mr. Ruto uu diiday dhamaan eedihii loo jeediyey.

XS
SM
MD
LG