Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dawladda Sweden oo Aqoonsatay Falastiin


Dawladda Sweden ayaa si rasmi ah u aqoonsatay in dalka Falastiin uu yahay dal madaxbanaan. Talaabadan ayaa timid ka dib markii Ra’iisal Wasaaraha cusub ee dalka Stefan Lofven uu jimcihii ku dhawaaqay in Falastiin ay tahay dal madaxbanaan, dawladiisuna ay ula dhaqmayso sidii waddan xor ah.
Aqoonsigan Sweden waxa horeeyey markii Golaha Guud ee QM uu bishii November ee sanadkii 2012kii Falastiin u aqoonsaday xubin aan buuxin, hase yeeshee kor-jooge ah oo Galaha ka tirsan.
Maxamed Cabdi Sandhere ayaa haddaba aqoonsigan wax ka weydiiyey Prof. Axmed Ismaaciil Samtar oo bare ka ah kulliyadda James Wallace ee Jaamacadda Macalester ee gobolka MN.
Aqoonsiga Sweden ee Falastiin
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:11 0:00

XS
SM
MD
LG