Isku xirrada

War Deg-Deg ah

USA iyo Afghanistan oo Heshiis Gaarey


Dowladda cusub ee Afghanistan iyo Mareykanka ayaa saxiixey heshiis iskaashi oo dhinaca amniga, kaas oo horey in badan dib loo dhigey. Heshiiskaan ayaa u oggolana doona ilaa 10,000 oo American ah inay sii joogaan Afghanistan marka uu dhammaado hawlgalka ciidammada caalamiga bisha December 31-keeda.

Labada dhinac ayaa heshiiskaan maanta ku kala saxiixdey magaalada Kabul, maalin kadib markii Ashraf Ghani uu si rasmi ah xilka madaxtinimada Afghanistan ugala wareegay Hamid Karzai.

Xafladda dhaarinta waxaa lagu qabtey xarunta madaxtooyada ee magaalada Kabul, waxaana ka soo qeybgaley wufuud caalami ah, iyadoo amnigana si weyn loo adkeeyey. Hoggaamiyeyaasha siyaasadda iyo kuwa dhaqanka ayaa iyaguna ka soo qeybgaley munaasabadda.

Musharraxa ay is hayeen Mr Ghani oo ah wasiirkii hore ee arrimaha dibedda, Abdullah Abdullah ayaa isna loo dhaariyey inuu noqdo madaxa cusub ee fulinta halwaha dowladda, jagadaas oo qeyb ka ah heshiis awood qeybsi ah oo la gaarey dhowr bilood kadib oo uu jirey muran ku saabsanaa natiijada doorashada madaxtinimada.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka John Kerry ayaa u hambalyeeyay labada hoggaamiye, oo uu ku amaaney in caqabad jirtey ay u rogeen fursad dhab ah oo laga wada faaideysto.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon ayaa qirey inay jiraan caqabado badan oo ku hor gudban Afghanistan, waxaana uu ku baaqey in degdeg loo soo dhiso dowlad cusub, isla markaana ay la shaqeyso dhammaan shacabka reer Afghanistan, iyadoo la dhowrayo midnimada qaranka.

XS
SM
MD
LG